Dagaalyahano & Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo howlgal lagu dilay

Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in labo weerar oo ay qaadeen ay ku dileen Siddeed xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Xubnaha la dilay aya waxaa ku jiray taliye sare oo ka tirsan Al-shabaab sida lagu sheegay warka ay soo saartay AMISOM.

Saraakiiisha Ciidamada Midawga Afrika ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa Mid qorsheysan oo ka dhacay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Sida ay AMISOM ku shaacisay barteeda Twitterka Taliyaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee la dilay oo aan magaciisa la sheegin ayaa u qaabilsanaa kooxdaas canshuur aruurinta, waxaana la dilay Isniintii isagoo ka qayb qaadanaya kulan Al-shabaab ay ku laheyd degaanka Bariire.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -