Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo xilka ka qaadis iyo magacaabis sameeyay (Wareegto)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo kuxigeenkiisa.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayaa loogu magacaabay Mudane Adan Muxumed Axmed gudoomiyaha degmada Baardheere, halka kuxigeenkiisa loogu magacaabay Mudane Saleeban Cabdi Badal .

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ma shaacin sababaha keentay xil ka qaadista uu ku sameeyay guddoomiyaha degmada Baardheere iyo kuxigeenkiisa, waxa uuna Madaxweynaha maamulka cusub kula dar daarmay in shaqada ay dardargaliyaan.

Maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa marar badan isbadalo dhinaca maamulka ah ku sameeyay degmooyin katirsan gobolka Gedo, iyadoona Madaxweynaha xilalka guddoomiyaasha u magacaabay xubno aad ugu dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii maanta ka furmay Jabuuti

Caydiid Ali

Hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Faransiiska oo caro badan dhaliyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gadoon (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---