Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo booqday Masjidka Nebiga NNKH ee Magaalada barakeysan ee Madiina (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa maanta booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-Munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo shalay ka degay magaalada Jeddah ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.

Related posts

Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin Milateriga Somalia

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Bur bur ka dhashay Duqeyn Diyaarado dagaal ka geesteen Janaale

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey labo sharci oo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---