Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka oo amar culus siiyey ciidan ku sugan..(Sawirro)

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeeray saldhigyada ciidamada Xoogga degmadaas isagoo u kuur galay xaalada ciidamada halkaas ku sugan

Saraakiil uu ka mid yahay Abaanduulaha qeybta 12-ka April G/Sare Warsame Maxamed Diiriye iyo saraakiil kale ayaa Taliye Dayax ku soo dhaweeyey Afgooye.

Taliyaha ayaa ciidanka amar ku siiyey inay u diyaar garoobaan howlgallo culus oo Al shabaab looga sifeyn doono degaanada ay uga sugan yihiin Sh/Hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay inuu socdo diyaar garowga dagaalka guud ahaan dalka looga xoreynayo wax uu ugu yeeray argagixisada.

 

- Advertisement -