Ciidamadii taabacsanaa Maamulka Hirshabelle oo dagaal looga saaray Baladweyne

Xaalada Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa haatan degan ka dib dagaal xalay ilaa barqanimadii maanta ka socday oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Maamulka Hirshabelle iyo Hiiraan state

Dagaalka ayaa joogsaday markii Ciidankii Hirshabelle taabacsanaa laga saaray Magaalada Baladweyne, iyadoo gacan ku heynta Magaalada ay la wareegeen ciidamo taabacsan Maamulka aan la aqoonsaneyn ee Ā Hiiraan State oo uu hogaamiyo Cali Jeyte Cusmaan Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ahna la taliyaha Villa Somalia ee arrimaha ciidamada Macawisley.

Dagaalkaan ayaa ahaa kii ugu cuslaa uguna waqtiga dheeraa ee Baledweyne ku dhexmara labadaan maamul ee isku haysta gacan ku heynta Baledweyne.

Waxaa dagaalkan uu sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, waxaana guulo la taaban kara ka sheegtay maamulka la baxay Hiiraan State oo haatan gacanta ku haya guud ahaan xarumaha kala duwan ee maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne.

Ciidamadii iyo saraakiishii hoggaamineysay dagaalka ee dhanka Hirshabeelle ayaa gaaray xarunta ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin duuleedka magaalada Baledweyne, kadib markii looga awood roonaaday dagaalkii saacadaha badan socday

Dadweyne aad u farabadan oo diidan nidaamka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa haatan ku dhex dabaal degaya gudaha magaalada.

Sida Wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada Hirshabelle ay xalay saqdii dhexe weerareen kuwa taabacsan Hiiraan State sababaha dagaalkan ayaa la sheegay iney yihiin ka dib markii masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo dhowaan shir kaga qeyb galay magaalada Jowhar la iska hor taagay iney ku laabtaan magaalada Baladweyne.

- Advertisement -