Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Puntland oo qabtay qalab ku socday Al shabaab & dadkii waday (Sawirro)

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay’adaha amniga la socdeen.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah,

  1. Faisa Cali Maxamed
  2. Cabdi Axmed Cusmaan.
  3. Haaddi Cumar Cilmi
  4. Cabdi Maxamuud Cali
  5. Saalax Cabdulqaadit Mahad

Qalabka ay leeyihiin  Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;

  1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.
  2. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory
  3. Biisooyin Kaashwito
  4. Kabo balistig ah.
  5. Envactar kuwa solar loo isticmalo. ( Inverter solar energy system)
  6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)

Lanta barista CID gobolka Nugaal ayaa horay u sii haysay  xogta ah inay kusoo fool ledahay gobolka

dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen  ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.

Booliska ayaa  fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado.

DHAMMAAD

Related posts

Dil iyo Dhaawac Muqdisho loogu geestay Shaqaale katirsan Shirkada Hormuud

Cabdi Cade

Calanka Midowga Africa ee suran Muqdisho iyo xarumo kale oo hoos loo dhigayo

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Shirka Brussels oo xaqiiyey qodob muhiim ah & duqa Muqdisho oo faahfaahiyey

Caydiid Ali