Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada labada Aqal oo ka dooday xaqa helidda xogta iyo ilaalinta xogta shaqsiga

Guddoomiye Ku-xigeenka golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 20-aad Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, cutubka 2-aad xaquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, qodobka 31-aad-41-aad.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, waxaa looga dooday, xaqa helidda xogta , xaqa ilaalinta xogta shaqsiga, go’aano maamul oo caddaalad ah, xaqa Dacwadda iyo isdifaaca,xuquuqda eedaysanaha iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen isu-celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo sanatarrada uga doodeen sixidda Ku-xadgudubka xaquuqda Aadanaha iwm.

Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin oo soo xirtay fadhiga maanta ayaa waxay sheegtay in malinta isniinta uu bilaawan doono cudubka 3-aad ee ka doodista dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad dayuuradeed oo balan-qaad aan caadi aheyn u sameysay Macaamiisheeda

Caydiid Ali

Cabdi Xaashi oo dab ku shiday Khilaafkii soo xulista xubnaha labada aqal ee Somaliland

admin

Daawo Sawirro laga soo qaaday Deegaanka Tooro Toorow oo ay la wareegeen Ciidamada Danab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---