Allbanaadir.com
NEWS

Askari dilay gabar wax ka baraneysay Jaamacad ku taalla Magaalada Garowe

Askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland ayaa dil u gaystay gabar ardayad ahayd sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Garowe

Gabadhan oo la oran jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu askarigu riday oo haleeshay

Taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf askariga dilka gaystay ayay boolisku gacanta u dhigeen, waxaana loo taxaabay xabsiga.

G/sare Maxamed Cali Marduuf ayaa intaas ku daray in wali uu baaritaan ku socdo sababta dhimashada gabadha.

Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Garoowe, waxaana falkan aad uga xumaaday shacabka.

 

Related posts

Booliska Muqdisho oo qabtay askari sabab yaab leh u dilay qof shacab ah

Caydiid Ali

Trump oo dalab cajiib ah u soo bandhigay malaayiin shaqaale ah

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo dibeda u ambabaxay iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---