Abwaankii alifay heestii “Aan maalno Hasheena Maandeeq” oo Hargeysa lagu aasay (Sawirro)

Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi (Jebiye) oo ka tirsanaa abwaanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansanaa ayaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday maanta, iyadoo galabta lagu aasay isla magaaladaas.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas iyo dadweyne fara badan ayaa galabta ka qaybgalay aaska Marxuum Abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Abwaan Jebiye) oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Hargeysa

Abwaanka ayaa sanadkii 1938kii ku dhashay Magaalada Hargeysa, isagoo sannadihii 1954-1955 ayuu sugaan samaynta ka bilaabay Hargeysa, wuxuu allifay riwaayado dhawr ah oo qaarkood ka hadlayey xorriyad doonka Soomaalidii Ingiriisku haystay.

Sidoo kale wuxuu lahaa laxanno Qaraamka ah sida laxanka cajiibka ah ee Kaar.

Dadkii uu fankooda soo gacan qabtay waxa ka mid ahaa Cismaan Maxamed Cabdikariim , Axmed Muxumed Good Shimbir iyo Xaliimo khaliif Magool. oo dhammaantood qaada heeso uu allifay sida Asluub badaneey.

Heesta caanka noqotay oo loo aqoonsaday heesta xorriyadda ee “Aan Maalno hasheenna Maandeeq” ayaa ka mid ahg suugaanta dhaxalgalka ah ee uu allifay waxaana heestaas la qaaday calan saarkii 26 June 1960.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -