Sacuudiga oo War kasoo saartay eedeynta dilka Wariye Jamal Khashoggi

Dowlada Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in sirdoonkooda ay dileen Wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa Boqortooyada Sacuudiga , waxaana dilka Wariyaha la sheegay in uu ka dhax dhacay gudaha Qunsuliyada ay ku leeyihiin magaalada Istanbuul.

Turkiga ayaa wali baaritaano ku haya Wariye Jamal Khashoggi oo markii ugu dambeeyay ee la arkay aheyd isaga oo sii galaya Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul, waxaana booliiska Turkiga aaminsan yihiin in wariyaha la dilay kadibna hilbihiisa la jar jaray.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Sacuudiga ayaa lagu beeniyay in ay ka dambeeyeen dilka Wariye Jamal Khashoggi , waxa ayna Sacuudiga been abuur ku tilmaameen dilkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Sacuudi Carabiya Amiir Cabdulcaziz bin Sacuud Bin Salmaan ayaa diidan eedeynta Sacuudiga loo jeediyay ee ah in ay maleegeen dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha gudaha ayaa lagu sheegay in runta cadeeneyso Boqortooyada, waxaana Wasaarada diidan tahay in ay maleegeen sirdoonkooda dilka Wariyaha.

Xukumadda Ankara ayaa oggolaatay iney baaritaan wadajir ah la sameeyaan boqortooyada Sacuudiga, waxaana jimcihii Turkiga gaaray koox dambi baarayaal ah oo ka socda Sacuudiga oo la filayo baaritaanada la sameeynayo qeyb ka noqdaan.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -