Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda gobolka Banaadir oo bilowday Dhageysiga dacwada ninkii gubay Xaaskiisa

Waxaa goordhay maxkamadda gobolka Banaadir si rasmi ah uga bilowday dhageysiga kiiska dacwada ka dhanka ah Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Sayid-cali Macalin oo laga soo qabtay deegaan katirsan Galmudug markii uu ka baxsaday magaalada Muqdisho ayaa maalmo badan kaddib maanta kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir oo kiiska dilka ah loo heesto dacwadeeda qaadeysa.

Xarunta maxkamadda gobolka Banaadir waxaa ku sugan ehelaha marxuumad Luul Cabdicasiis uu ugu horreeyo aabaheed iyo sidoo kale ehelada gacankudhiiglaha, waxaa sidoo kale maxkamadda jooga dad kale oo aad u daneenaya kiiskan.

Aabaha dhalay marxuumad Luul Cabdicasiis oo wali meydkeeda uu ku jiro filinjeer ayaa ka codsaday hay’addaha caddaaladda in ninka dilay gabadhiisa isna lagu rido xukun dil ah , si loola duugo gabdhiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Roob baraf wata oo ka da’ay qaybo ka mid ah Kenya iyo dadka oo hadal haya

Cabdi Cade

Milatariga Somalia oo ka qeyb qaadanaya Howlgalka Jubada Dhaxe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo isaga baxay tartanka Koobka Adduunka 2026 iyo hal arrin oo Sababtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---