Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyeyaha SSC Khaatumo oo Magacaabay taliyeyaal ciidan (Magacyada)

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa S/Guuto Saleebaan Barre Xasan (Geesood) u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa G/Sare Cabdifataax Maxamed Aadan Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa Taliyaha iyo Ku xigeenkiisa oo ah khuburo iyo xeeldheereyaal ciidan Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Mudane Cabdiqaadir A. Aw-Cali ayaa sidoo kale u Magacaabay Hoggaanada Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo saraakiisha  kala ah.

  1. G/Sare Maxamed Saleebaan Caabbi

Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Cabdirashiid Axmed Nuur

Hoggaanka Taakulaynta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Bacayees Aadan Nuur

Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Baaruud Muuse Maxamed

Hoggaanka Maamulka Maaliyadda Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha ayaa Saraakiishan oo leh khibrad sare oo ciidan islamarkaana shacabkooda si weyn ugu adeegay Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Related posts

Shuruudo adag oo lagu xirayo Xulista Baarlamanka & doorashooyinka Galmudug (Akhriso)

Cabdi Cade

Dhalinyaro kufsi wadareed arxan daro ah geysatay oo xabsi lagu guray

Caydiid Ali

Shuruudaha laga rabo shirkadaha Diyaaradaha ee adeegga Xajka oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---