Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Israel oo galay, sadex qofna ku dilay Isbitaal ku yaalla daanta Galbeed

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil  oo u labisan sida shaqaalaha caafimaadka, ayaa Talaadadii gudaha u galay Isbitaalka Ibn Sina ee ku yaalla magaalada la haysto ee  Jenin  ee daanta galbeed, waxayna dileen saddex nin oo Falastiini ah, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa sheegtay in raggan ay ahaayeen dagaalyahannada Jenin Brigades, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay yihiin argagixiso xiriir la leh Xamaas iyo Islamic Jihad.

Ciidamada ayaa si gaar ah u galay Isbitaalka, waxayna u dhaqaaqeen dabaqa saddexaad, waxayna dileen dhalinyaradaasi,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA oo soo xiganaysa ilo-wareedka gudaha isbitaalka.

Israel waxay beegsatay dagaalyahanka Hamas Mohammed Jalamneh kaasoo in dhawaale ku hawlanaa horumarinta dhaqdhaqaaqyada argagixisanimada oo ku dhuumaalaysanayay Isbitaalka Ibn Sina ee Jenin,” ayaa lagu yiri bayaan Talaadadii.

Labo wiil oo walaalo ah, Mohammed Al-Ghawazi iyo Basel Al-Ghawazi, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, kuwaasoo Israel ay ku tilmaantay hawl-wadeenno “argagixiso”.

Related posts

Madaxweyne Buhari oo Amar ka soo saaray dilkii loo geestay Haweeney Qareen ahayd

Cabdi Cade

Duqeymo cirka ah oo galabta ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeeday Wadooyin dhawaan dhagxaan lagu xiray oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---