Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada golaha Shacabka oo arrin muhiim ah ka dooday Su’aalana weydiiyay Wasiirka…

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta waxaa uu shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 9-aad ee golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka ee Shrciga Lr.36, 30 April 1975 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Federaalka, waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka doodeen la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in la xoojiyo Ciidanka Badda Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa waxaa uu faahfahiyay muhiimada qaranka ay u leedahay ilaalinta xeebaha dalka iyo la dagaalanka burcad badeeda, isagoona ka jawaabay dhamman su’aalihii la weeydiiyay.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyadda Ayniga Dhir Beereedka, iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay ilaalinta waqtiga iyo in ay kooramka soo buuxiyaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo idmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koonfur Galbeed oo ka hor timid arrin uu ku dhaqaaqay Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

Xildhibaan lagu tuhmay inuu maleegay dil Madaxweyne oo xabsi loo taxaabay

Caydiid Ali

Muqdisho iyo gobolada dalka oo si weyn looga dabaaldegayo Munaasabada Ciidul adxaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---