Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maalqabeenka ugu da’da yar Afrika oo laga afduubtay goob jimicsiga lagu sameeyo

Nin lagu tilmaamay Taajirka ugu da’yar Afrika ayaa rag hubeysan oo wajiga soo qarsaday waxay ka afduubteen magaalada Dares Salaam ee dalka Tanzania.

Maalqabeenkan oo magaciisa la yiraahdo Mohamed Dewji oo 43 jir ah ayaa laga afduubtay goob uu jimicsi ku sameynayey sida ay booliku sheegeen.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in saddex ruux oo arrintaas lala xiriiriyay ayaa la xiray, iyadoo labada ruux ee afduubka sameeyayna la rumaysan yahay in ay ajaaniib yihiin.

Wargeyska dadka ladan ka faaloota ee Forbes ayaa ku warramay in hantida Dewji ay gaarayso 1.5 bilyan oo dollarka Maraykanka ah, waana nin ganacsade ah oo aad loo yaqaano.

Dewji oo ku can baxay naaneysta Mo ayaa lagu ammaanaa in ganacsiga heerkoodu ahaa jumlo iyo tafariiq uu u badalay ganacsi Afrika ka shaqeeya kaasoo sababay in dadku ay qiime jaban ku helaan alaabo dunida qaali ka ah oo baahi badan loo qabo.

Lama oga illaa hadda ujeedada loo afduubtay, hase ahaatee booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaano iyo dabagal ku saabsan halka la geeyey Dewji.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaale ku howlanaa dhismaha derbiga xadka Somalia iyo Kenya oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali

Boqorada Ingiriiska Elizabeth oo isbitaal la dhigay & xaaladeeda oo laga deyrinayo

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo arrin xasaasi ah kala hadlay dhaqanka gobolka Bakool (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---