Allbanaadir.com
NEWS

Booliska DF oo qabtay nin loo heysto dil ka dhacay Magaalada Nairobi (Sawirro)

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedaysane baxsad ah oo loo heysto dil ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir ayaa laguĀ  xaqijiyey arrintan

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Abdullahi kuna eedeysan inuu dilay Marxuum Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay caasimadda Dalka Keyna ee Nairobi” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska

Hay’adaha amniga waxay sheegeen in eedaysanahaĀ  la horgeyn doona Cadaalada hadii Allaha idmo.

Boolisku ma sheegin qaabka ay u suuragashay soo qabashada eedeysanaha iyo inuu jiro xiriirka iskaashi oo ay arrintan kala soo sameeyeen Booliska Kenya.

Related posts

Safiiradii ugu badnaa ee Maraykanka u fadhiya dibeda oo is casilay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo rasaas ku furay shaqaale ka tirsan WFP

Caydiid Ali

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la qarxiyey & Warar ku saabsan qaban-qaabada doorashada Jubbaland

admin
Taboola Ads ---