Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa oo gaaray Kambala & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Kambala & xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Halkaas waxaa maanta ka dhacaysa munaasabad, si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa 24-kii November 2023 ku biirtay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu xiligaas guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib markii la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururka.

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa soo dhameystay booqasho ay ku joogeen maalmahan dalka Mareykanka halkaasoo ay ka qeyb galeen shir caalami ah oo looga hadlayey amniga Somalia.

intii ay wafdiga Madaxweynaha joogeen dalka Mareykanka ayaa bankiga aduunka iyo IMF waxay ku dhawaaqeen in Somalia laga cafiyey deyn lacageed oo gaareysa 4.5 Bilyan oo dollar taasoo aheyd guul kale oo u soo hoyatay Somalia.

Related posts

Wariyihii gaarka ee Madaxweynaha Puntland oo caawa la xiray iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ciidamada amniga oo xiray shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqay qalabka ka hortaga COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---