Al Shabaab oo weeraro culus ku qaaday Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Dagaalyahno hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay iyo xalay weeraro kala duwan ku qaaday saldhigyo ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan Wararka ku heleyno Dagaalyahano katirsan  Al Shabaab ayaa saakay aroor hore weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday deegaanka Danow ee kuyaala duleedka degmada Qoryooley.

Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ku garaaceen saldhiga Ciidamada AMISOM, waxaana AMISOM dhankooda ku jawaabeen madaafiic ay ku garaaceen goobo ku dhaw halka laga soo weeraray.

Dhinaca kale dagaalyahno katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday madaafiic iyo hub kala duwan waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka No 60 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Iska hor imaad daqiiqado kooban socday ayaa dhax maray Ciidamada AMISOM iyo dagaalyahandii soo weeraray, lamana oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ku qaaday saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo iyo ciidanka Dowlada ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -