Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Israel oo galay Koonfurta Gaza iyo dagaal culus oo ka socda

Ciidamada dhulka ee Israa’iil ayaa gudaha u galay degaanka Khan Yonis ee koonfurta Qaza, iyagoo taangiyo, waxaana iska caabin adag kala hor tagay xoogaga Xamaas, dagaalo qaraar ayaana socda.

Fiidiyow ay baahisay Aljazeera ayaa muujinaya taangi Israa’iili ah oo ka hawlgalaya waddada Salah El-Din oo ah waddada ugu weyn ee Gaza ee isku xirta waqooyiga koonfurta magaalada.

Afhayeen u hadlay ciidanka Israel ayaa sheegay inay ku ballaarinayaan howlgalkooda dhulka oo dhan marinka Qaza.

Muuqaal kale oo uu soo duubay wariye u dhashay Gaza ayaa muujinaya rasaas laga maqlayaa meel ka baxsan magaalada Deir al Balah ee koonfurta Gaza.

Bilowgii dagaalka, militariga Israa’iil ayaa u sheegay 1.1 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Gaza inay ka barakacaan ayna aadaan koonfurta Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay ay ugu yeertay amarkaas wax aan macquul ahayn.

Toddobaadkii hore, mas’uuliyiinta maamulka Biden waxay la kulmeen dhiggooda Israa’iil si ay ugala hadlaan sidii loo ilaalin lahaa kumanaanka rayidka ah ee u qaxay koonfurta Gaza.

Arrimaha ay saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa in dadka rayidka ah ee tagay koonfurta markii uu dagaalka billowday ay dib ugu laabtaan waqooyiga marka ay soo afjaraan howlgallada milateri ee halkaas ka dhacaya

 

 

 

 

Related posts

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Ciidamol Itoobiyaan ah

Cabdi Cade

Marwada 1aad ee dalka oo dhagax dhigtay Mashruuc laga hirgelinayo Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay magaalada Baladweyne iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---