Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte iyo Ciidamo uu wato oo howlgalo ka waday Deegaan lagu duqeeyay Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka uu hoggaaminayo Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa howlgalo ka wada deegaan shalay lagu duqeeyay Al Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay howlgalo ka wadaan deegaanka Al Shabaab lagu duqeeyay ee kuyaalla duleedka Halgan, waxa ayna ciidamada qiimeenayaan khasaaraha Al Shabaab ku gaaray duqeynta dhacday.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in deegaannada ay tageen ee lagu duqeeyay kooxda Al Shabaab ugu tageen meydad daadsan oo kooxdaasi intii nooleyd uga carareen goobaha lagu dilay.

Ciidanka huwanta ah ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira xubno katirsan Al Shabaab oo ka bad baaday duqeyntii diyaaradaha Mareykanka halkaasi ka fuliyeen, waxa ayna ciidamada sidoo kale raadinayaan hub ay lahaayeen xubnaha la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalooyin Soomaali kunool yihiin oo qofkii dhinta aaskiisa ku baxeyso 12-kun oo Dollar

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo soo bandhigtay Qorshaha Hirgelinta barnaamijka NDC

Caydiid Ali

Saraakiil iyo ciidamo katirsanaa Ilaalada Madaxtooyada oo Muqdisho ka baxsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---