Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in howlagl wali socda lagu dilay in ka badan 60-katirsan Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo shisheeye ayaa xalay ilaa saakay howlgal qorsheysan oo duqeymo u badan waxa ay ka wadaan tuulada Hilow Bacaad oo 8-kilo mitir dhinaca koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

War kasoo baxay dowladda laguna baahiyay telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka oo wali socda lagu dilay in ka badan 60-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab tiro kale oo badana lagu dhaawacay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkan oo socda saacado badan lagu bur buriyay fariisimo ay lahaayeen kooxda Al Shabaab , waxaa sidoo kale howlgalka lagu bur buriyay saanad Al Shabaab lahaayeen.

Deegaanka weerarka ka dhacay ee duleedka ka ah Halgan ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe isku aruursanayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab, kuwaa oo doonayay in mar kale dib ugu soo laabtaan deegaanno horey looga saaray oo Hiiraan katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo baaq degdeg ah kasoo saaray Dagaal ka socda deegaano…

Cabdi Cade

Imaaraadka oo kahor yimid qorshe Mareykanka ugu hiiliyay Maamulka Isra’il

Cabdi Cade

Qaraxyo la diyaariyey oo laga soo qabtay guri ku yaalla Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---