Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliye ciidan u magacaabay Admiral Cabdi Warsame

Madaxwaynaha jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay taliyaha ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha Soomaaliya  Admiral, Cabdi Warsame Cismaan.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka looga qaaday taliyihii hore ee ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, waxa uuna madaxweynaha taliyahan cusub u  magacaabay sidii u dar-dargelin lahaa shaqada ciidanka.

Taliyaha la magacaabay ayaa soo ahaa sareeye waqti badan ka soo shaqaynayay qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed , wuxuuna soo noqday taliye xigeenka ciidanka Badda & Difaaca xeebaha Soomaaliya .

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Badda ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay wado dedaalo lagu xoojinayo ciidamada Badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya, kuwaa oo dhismhaooda muhiim u yahya Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo dhac farsameesan ka geesan jiray Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Gudoomiye Jawaari Sadexdan Talo Midkood ha qaato si xal looga gaaro Mooshinka 

Cabdi Cade

Farmaajo oo la kulmay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---