Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo warbaahinta kala hadlay shacabka, diiradana saaray arrin taagan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw ka hadlay qasaaraha sii kordhaya ee ka dhashay fatahaadaha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka, isagoo xusay in qasaaraha dhimashadu korortay.

Daadadka ayaa saameeyey dad gaaraya 2.5-milyan oo qof, kuwaas oo hal milyan oo ka mid ah ay barakaceen, iyadoo dhimashada inta la diiwaangaliyey ay gaartay 101-qof.

Qasaaraha hantiyeed ee fatahaadaha iyo daadadku sababeen ayuu  Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in uu kordhay, waxaana daadadka lagu waayey 140-kun oo guri oo nuucyo kala duwan ah, 4-kun oo xoolo ah iyo kaabayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin buundooyinkii magaalooyinka Buur-dhuubo iyo Baar-dheere.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si aan kala har lahayn loogu gurmado bulshada Soomaaliyeed ee xaaladan dhibaatadu ka soo gaartay, kuwaas oo hoy, cunno iyo dawaba deg deg ugu baahan, isagoo xusay in dowladdu ay waddo dagaal xoogan oo lagu caawinayo dhibanayaasha, guddi gaar ahna loo saaray.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA

Related posts

Is Casilaadii Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo la bogaadiyay !!

Cabdi Cade

Caado dhaqameedka shirta oo lagu qabtay degmada X/weyne ee gobolka Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo dilay dad isku qoys ah kaddib Cabsi xooggan oo lasoo daristay

Cabdi Cade