Caado dhaqameedka shirta oo lagu qabtay degmada X/weyne ee gobolka Banaadir (Sawirro)

Degmada X/weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay galabta ciyaar dhaqameedka la yiraahdo shirta oo sanad walba xiligan oo kale laga dhigi jiray degaan xeebeedyada ku yaala gobolada Banaadir iyo labada Shabelle.

Waxaa galabta ka qeyb galay munaasabadan Masuuliyiin ka soo jeeda beelaha Banaadiriga oo ay ka mid ahaayeen Basma Caamir Jakeeti oo ah Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir, Gudoomiyaha degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir iyo waxgarad ka tirsan beelaha Banaadiriga.

Dad boqolaal gaaraya oo isugu jira rag wata ulo dhaadheer iyo dharka hidaha iyo dhaqanka iyo waliba haween iyo caruur ayaa isugu soo baxay wadooyinka ciriiriga ah ee degmada X/weyne halkaasoo ay ku soo bandhigeen ciyaarta loo yaqaano shirta, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo kala duwan.

Dadka isu soo baxay galabta oo aad uga yaraa kuwii soo bixi jiray xiliyada sida rasmiga ah ciyaartan loo qaban jiray sanad walba ayaa qaar ka mid ah waxgaradka reer banaadirigu waxay sheegeen intii sanado ah ay joojiyeen ciyaarahan caado dhaqameedka ah sababo la xiriira xaaladaha adag ee dalku uu ku sugan yahay.

“Dhalinyaradan iskugu soo baxay X/weyne waa kuwo iska xusuusanaya ciyaartaas oo la qaban jiray sanad walba xiligan oo kale, ciyaarta shirtana lama abaabulin sanadkan iyo sanadihii ka horeeyey sidana aad ayey uga balaaran tahay ” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka.

Ciyaaraha loo yaqaano shirta, badgalka, iyo Istunka ayaa lagu qaban jiray sanad walba xiligan oo kale magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye marka uu bilowdo sanadka loo yaqaano dabshidka waxaana ciyaarahan ay soo jireen muddo ka badan 800 oo sanadood, sida ay sheegeen waxgaradka reer banaadiriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -