Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo kormeer ku tagay isbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixinno ku saabsan xaaladaha caafimaad ee dadka ku jira isbitaalka ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Related posts

Zahra Naaleeye: “Soomaaliya 30-kii sano ee u dambeeyay waa yaraaday gudniinkii gabdhaha”

Caydiid Ali

Ku Biirista Soomaaliya ee Ururka COMESA iyo Faa’iidada ku jirta (War-bixin)

Cabdi Cade

Xog ku aadan Waxyaabihii ay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---