Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Adan Madoobe & Laftagareen oo Baydhabo ka furay shirweynaha Alif-Maay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa maanta si rasmi ah u furay shaacinta farta rasmiga ah ee Maayga.

Furitaanka shirka waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baarlamaanka KGS, Xildhabaanadiisa iyo Wasiirada maamulka.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Afka Maayga uu yahay af hodan ah micno badana leh, ayna ku hadlaan dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala nool qeybo badan oo ka mid ah dalkeenna.

Gudoomiye Sheekh Aadan ayaa boggaadiyay islamarkaana dhiira-geliyay, guddigii ka soo shaqeeyay qorista farta Maayga, oo maanta si rasmi ah loo shaaciyay, waxaana uu xusay in halgan dheer loo soo maray mudo badana lagu howlanaa qorista Farta Maayga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo isku day dil ka badbaaday iyo Jirdil loo geestay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdi la socda oo goordhaw ka dhoofay Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii Ciyaartoyda lagu laayay ee ka dhacay Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---