Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray London iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  gaaray magaalada London ee caasimadda Ingiriiska , halkaas uu kaga qeyb galayo shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo doceedyo la qaato qaar kamid ah madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka ka dhacaya magaalada London, kuwaa uu kala hadli doono xaalada Soomaaliya iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u bilaabay safaradii uu ku aadi jiray dalka dibadiisa , kaddib markii uu hakaday howlgaladii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab ee ka socday qeybo kamid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Ciidamo taabacsan hogaanka Ahlu sunna oo la Wareegay degmada Guriceel

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey xaalada cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya

Caydiid Ali

Dhisme ku yaalla Magaalada Nairobi oo laga kala cararay ka dib markii lagu arkay..

Caydiid Ali