Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan la kulmay Dhigiisa Ciraaq kalana hadlay arrimo muhiim u ahaa (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka.

Kulanka labada madaxweyne ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo sidoo dowladad Ciraaq casharo uga siin laheyd Soomaaliya si ay uga adkaadeen kooxihii hubeysnaa ee dalkaasi awoodiisa mar la wareegay.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda ayaa ka wada-hadlay is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalkan, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa kulamo duceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda Carbeed ee ka qeyb galeysa shirka, waxa uuna kala hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka dalalkaasi kala dhaxeeya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Sargaal kasoo goostay Al Shabaab

Cabdi Cade

Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo taageeray codsi ka yimid madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Mahdi Guuleed: “Walaalaha Koonfurta waa inay cashar ka bartaan doorashada Somaliland”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---