Allbanaadir.com
NEWS

Digniin laga bixiyey roobab ka bilowday dalka iyo Duufaan ku wajahan Puntland

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Bulshada ugu baaqday Caawa in ay ka fogadaan hareeraha Wabbiyada iyo Goobaha biya mareenada ah xilli roobab xoogan ay ka da’een gobolada dalka qaarkood.

“Bulshada Soomaaliyed haka fogaato hareeraha Wabbiyada iyo goobaha biya mareekanka ah.” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

DAAWO HADALKA GUDOMIYAHA

Dhinaca kale, Xarunta Maareynta Xogaha khayraadka biyaha iyo Dhulka ee Puntland ayaa ka digtay duufaano ku soo wajahan qeybo ka mid ah gobolka Bari ka dib War-saxaafadeed ay soo saartay oo sidan u qornaa:-

Duufaanta loo yaqaan 05A(Five) ayaa 17 October waxay kasoo bilaabatay bartamaha bad-weynta India kuna bilaabatay xawaare dhan 30km/h.

Duufaanta 05A(Five) ayaa kuwajahan Jaziirada Socotra, xeebaha Salalah iyo Yemen.

Duufaanta 05A(Five) ayaa wadata roobab xoogan iyo dabaylo, xawaaraha dabasha ayaa gaaraysa 205km/h (boqol iyo shan kilomitir saacadii), maalinta axadda ee bishu tahay 22 october.

Hadaba dhamaan bulshada kudhaqan degmooyinka Caluula, Bareeda, iyo Bargaal gaar ahaan kaluumaysatada waa inay joojiyaan usafrida bada iyo kaluumaysiga.

Sidoo kale doonyaha ganacsiga ee isaga gooshaya gacanka cadmeed iyo badweynta hindiya waxaa lagu war galinayaa inaysan ku safrin badda ilaa iyo 25 bisha October.

Hay’adda macluumaadka khayraadka biyaha iyo dhulka waxay sidhow ula soconaysaa soona gudbinaysaa xaalada duufaanta 05A (five).

DHAMMAAD

 

Related posts

Gaari Weyn oo loo adeegsaday Qaraxii Muqdisho iyo Cumar Finish oo ka hadlay Khasaaraha

Cabdi Cade

Rooble oo Xil ka qaadis ku sameenaya Taliyaal Ciidan iyo Farmaajo oo ka walaacsan!!

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo la kulmay Maxamed Fall iyo wafdi uu horkacayey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---