Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney leysay caruur ay dhashay, ka dibna ku qarisay Qaboojiye (Daawo Sawirro)

Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa xukuntay hooyo u dhalatay dalkaasi, kadib markii ay biyaha ku hafisay shan caruur ah oo ay dhashay.

Haweeneydan ayaa sidoo kale meydka caruurta ku qarisay qaboojiye u yiilay hoygeeda, Ilaa haddana lama garanayo waxa haweeneydani ku qaaday inay disho ilmihii ay dhashay.

Romana Canete oo ku barooraneysay gudaha maxkamadda ayaa dalbatay cafis, xili xaakimka maxkamadda uu dhageysanayay kiiskeeda, waxaana lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah,

Dhacdadan ayaa sanadkii 2015 ka dhacday Magaalada Bordeaux ee ku taalla Koonfurta galbeed ee Fransiiska balse laamaha ammaanka ee Fransiiska ayaa baaritaan dheer kadib ogaaday in caruurtaasi la dilay.

Hooyada dhashay ilmaha ayaa sidoo kale sheegtay in ilmaha ay ku dhashay barkad lagu qubeysto oo ku taala gurigii ay deganeyd, kadibna ay halkaasi uga tagtay caruurtii oo ay ku dhinteen.

Haweeneydan ayaa xabsiga ku qaadan doonto sideed sano oo xarig ah iyo shan sano oo kale oo ay qaban doonto howla kale marka laga sii daayo xabsiga.

Ninka qabay haweeneyan oo lagu magacaabo Juan Carlos ayaa waxaa uu sheegay in marnaba uusan ka war helin in xaskiisa ay uur leedahay, waxaase uu sheegay in kiiska lagu soo oogay haweneydani uu yahay inay diiday in caruurteeda ay siiso xuquuqdii hooyanimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiinaha oo Dhool tus Milatari ka bilaabay Taiwan iyo Xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade

Kenya oo xaalku ku xun yahay & C/raxmaan C/shakuur oo mar kale eedeeyey Farmaajo

Caydiid Ali

Abaabul Dagaal oo ka socda Muqdisho iyo Digniin culus oo loo diray Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---