Wararkii ugu dambeeyey dabkii caawa qabsaday Warshada Biyaha Zamzam (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dab xooggan oo caawa ka kacay xarunta Warshada Biyaha Zamzam ku leedahay degaanka Tabeelaha Shiikh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobalka Banaadir oo ka jawaabaya Qeyla dhaanta bulshada deegaankaasi ku nool ayaa u diray gurmad xoog leh oo isugu jira Dabdamisyo iyo Gaadiidka kale ee aan howlahaan looga maarmin sida booyadaha biyaha qaado.

Masuuliyiin ka tirsan Waaxda Dabdamiska Gobalka Banaadir oo gurmadkii ugu horreeyay halkaas gaarsiiyay ayaa xaqiijiyay in hadda la xakameeyay dabku inuu faafo.

Agaasimaha gurmadka Deg dega Gobalka Banaadir Cabdiqani dhalloole ayaa intaas ku daray in dabku xooggan yahay ayna isugu geeyeen wax kasto oo ay awoodeen sidii loo damin lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabkaas uu baabi’iyey inta badan qalabkii warshadda uuna geystay khasaare maaliyadeed oo  aad u xoogan, inkastoo aan illaa hadda la soo sheegin dad waxyeelo ay ka soo gaartay.

Waxaa goobta ku sugan masuuliyiinta degaanka Garasbaaley, ciidamada amaanka iyo dadweyne fara badan, welina ma cadda sababta dhalisay dabkan oo hadda la soo sheegayo in la xakameeyey.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL IYO SAWIRO LAGA SOO QAADAY DABKA IYO KHASAARAHA UU GEYSTAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -