Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hogaamiyaha SSC khaatumo iyo wafdi uu horkacayo oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo wafdi uu horkacayo ayaa jimcaha maanta ah ku soo wajahan magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Dhinacyada ayaa la filayaa inuu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo isla markaana uu ka dalbado Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.

Related posts

Iran oo qabatay Shabakada u shaqeeneysay Sirdoonka Isra’il iyo keyd hub ah

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Muslim ah oo Warqad Codsi ah u diray Milkiilaha Shirkadda Facebook

Cabdi Cade

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo War cusub ka soo saaray Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---