Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo abaabul dagaal ka wada degaanka Cali Fooldheere (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul ka dhan ah Al-Shabaab ayaa maanta booqasho iyo kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale ayaa deegaanka Cali Fooldheere kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaanka, isagoo ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxa uuna ku dhiirigeliyay ciidanka inay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo loogana baahan yahay inay soo afjaraan Al-Shabaabka  ku go’doonsan Dhulka howdka ah ee Ciid-ciidka iyo Jembilow.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in lasii dardargelin doono baacsiga Al-Shabaab Dowladuna ay ka go’an tahay ciribtirka cadowga, isagoo intaas raaciyay in adeegga muhiimka ah ee dowladda la gaarsiin doono  deegaanada iyo degmooyinka laga xoreeyay alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ku baaqay in la ciribtiro kooxda Xamaas

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel mariyay Shan hindise Sharciyeed oo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo War kasoo saaray rabshadaha iyo xiisada Siyaasadeed ee Kenya ka taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---