Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo) Xassan Shiikh oo khudbad uu jeediyey kaga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka.

Kulankaaasi waxaa dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen dardar galinta dagaalka al-shabaab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh  oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalankaal-shabaabka weli ku sugan gudaha dalka.

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud waxaa uu ku taliyay in dhallinyarada la marin habaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynta kooxaha nabad-diidka ah sida uu yiri, isla markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa markale uu shacabka ku  adkeeyay in ay u midoobaan al-shabaab weli ku sugan gudaha dalka wuxuuna xusay in kooxdaas uu gabalkoodu dhacay dhowaana la soo afjarayo.

Xassan Shiikh ayaa geesiyaal u dhintay difaaca diintooda, dalkooda iyo dadkooda ku tilmaamay askartii isku dhigtay gaarigii qaraxa waday ee dhowaan degaanka Laas gacamey ku beegsaday Madaxweynaha Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA XASSAN SHIIKH OO DHAMEYSTIRAN

Related posts

Jamaal Qaasim oo Qoraal deg deg ah kasoo saaray Shaqo joojintii lagu sameeyay (Akhriso)

Cabdi Cade

Gen. Cabdixamiid: “Raisal Wasaare Rooble ayaa boobaya dhulkii ciidanka Badda”.

Caydiid Ali

Wasiir Caafimaad oo xilka iskaga casilay bukaano u geeriyooday Ogsijiin la’aan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---