Allbanaadir.com
NEWS

Dibad baxyo Rabshada wata oo kusii fidaya Iran iyo Ciidamada oo Awood adeegsanaya (Daawo Sawirada)

Dibad baxyo xoogan ay dhigayaan shacabka Iran ayaa kusii faafaya magaalooyin kuyaala dalka Iran, ciidamada booliiska iyo kuwa Milatariga ayaa dadka banaan baxa dhigaya awood u adeegsanaya.

Dadka dhigaya dibad baxa ayaa gubay tabeelo uu ku dhagnaa Sawirka hogaamiyaha ruuxiga ee Iran , Ayatollah Cali Khamenei, waxaa sidoo kale la gubay gaadiid ay lahaayeen ciidanka booliiska.

Dibad baxyada looga soo horjeedo dowlada Iran ayaa ka socda magaalooyin dhoor ah oo dalkaasi ku yaala, waxaana dad badan oo isugu soo baxay bartamaha magaalada Tahraan ugu baaqeen booliiska iyo Milatariga in ay kusoo biiraan.

Ciidamada ka hortagaya dibad baxyada socda ayaa la sheegay in toogasho ku dileen labo qof oo kamid ah dadka dhigaya banaan baxyada, waxa ay sidoo kale ciidamada awood u sheegteen qaar kamid ah dadka dibad baxyada dhigaya.

Dowlada Iran ayaa dooneysa in ay awood u adeegsato dadka banaan baxyada kaga soo horjeeda, waxa ayna dowlada ka cabsi qabtaa in banaan baxyada ay kusii fidaan dalka oo dhan saameyn badana uu ku keeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah barihii DF sheegtay in laga xiray Al-Shabaab oo weli shaqeynaya

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somaliland oo War Kasoo saartay Wadahadalada Soomaaliya iyo Dadaalada uu…

Cabdi Cade

(Akhriso) Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo soo saaray amar ku socda heyadaha DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---