Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah : Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax xoogan uu ka dhacay inta u dhaxeysa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Xerada Guul Wadayaasha oo kutaala Laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxan ayaa ahaa miino nuuca dhulka lagu aasay, waxaana  lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo katirsan AMISOM oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa  ciidamo katirsan Milatariga  Soomaaliya .

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa qaraxaasi ku dhintay tiro kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, ciidamada Milatariga ayaana qaraxa kadib xiray qeybo kamid ah laamiga Warshadaha.

Ciidamadii waxyeelada kasoo gaartay qaraxan ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka, waxaana aaga qaraxu ka dhacay ka socda baaritaano kale oo lagu raadinayo miinooyin kale oo laga shakisan yahay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Howlgal lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Xildhibaan isaga oo cabsan gaari kaxeeyay oo is casilay raaligelina bixiyay

Cabdi Cade

Raisul wasaare Abiy Axmed oo shaqada ka eryey Saraakiil hor leh, kuwo cusubna ku bedelay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---