Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Wasiirro katirsan DF Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ku qaabilay wasiirro ka tirsan xukuumadda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiiraddan oo kala ahaa wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed iyo xubno katirsan xafiiska wasaaradahaas ayaa howlo shaqo u tagay Kismaayo.

Ujeedka socdaalka Wasiiraddan ayaa ahaa xoojinta xiriirka iyo wada shaqeeynta kala dhaxaysa Wasaaradaha kale ee wadashaqeynta la leh iyo sidii mashaariicda hormarineed ee ka socda guud ahaa dalka la isaga kaashan lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana ku ammaanay wasiiradan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed , waxa uuna kula dar-daarmay wasiirradan iyo kuwa maamulka Jubbaland in wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay tagaan magaalada uu kasoo jeedo Odinga

Cabdi Cade

Xog ku aadan Waxyaabihii ay kawada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Xasan Sheekh

Cabdi Cade

QM oo shaacisay iney joojineyso gargaarkii ay siin jirtay shacabka Falastiin (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---