Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray xarun cusub oo casri ah (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xariga ka jaray Hoolka Shirarka Wasaaradda Gargaarka oo qaab Casri ah loo dhisay.

Munaasabada Xarig jarka waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Mashruucan waxaa maalgeliyey Hay’adda UNDP xafiiskeeda Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Xarag-jarka ka dib Furey Shir looga hadlayey Xoojinta Wadashaqaynta Wasaaraddaha iyo Hay’adda UNDP.

Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaalida, isagoo Maamulka K/Galbeed ku amaanay dedaalka uu ugu jiro xoojinta dowlad wanaaga.

Related posts

Trump oo dhaqaalihii ka joojiyey WHO ka dib murankii dhexmaray isaga & Tedros

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Khilaafka soo kala dhax galay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed

Cabdi Cade

Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegay iney fashiliyeen afgembi

Caydiid Ali