Allbanaadir.com
NEWS

Nin Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Askarigii dilay oo gacanta lagu dhigay

Askari ku labisnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa maanta xaafada Carafaad ee degmada Yaqshiid ku dilay nin dhallinyaro ahaa oo la sheegay in uu ku shaqeesanayay mooto bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga uu xabbad ku dhuftay wiilka bajaajlaha ahaa, lamana oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay in askarigan katirsan ciidanka dowladda in uu dilo qof shacab ah.

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga Yaqshiid ayaa gacanta kusoo dhigay askariga dilka geestay, waxaana dilaaga hadda ku xiran yahay saldhigga degmada Yaqshiid.

Meydka marxuumka la dilay ayaa loo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da sii loo baari kiiskan, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo laamaha ammaanka kasoo saareen dilka ninka shacabka u geestay askariga hubeysnaa.

Dilalka ciidanka dowladda u geestaan dadka shacabka ah ayaa muddooyinkii dambe aad u yaraaday, waxaana dilkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho aad uga naxay dhallinyarada ku shaqeystada mooto bajaajta oo dhibaatooyin badan kala kulma ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Hakan Fidan? (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Xasan Shiikh oo Washington kula kulmay Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Xasan oo Maamuusay Isimada Sool & Sanaag, kana hadlay baaqii QM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---