Rag loo heysto iney gacan ka geysteen afduubkii Silvia Romano oo xabsi la dhigay

Ciidamada Booliska Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay 4 dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay iney gacan ka geysteen afduub sanadkii 2018 loogu geystay Kenya Silvia Romano oo ah haweeney u dhalatay dalkaas oo ku dhowaad labo sano u afduubneyd Al-Shabaab. dhowaana lagu sii daayey.

Labo ka mid ah raggan waa Itoobiyaan halka labada kale ay yihiin Soomaali, waxaana xabsi guri lagu galiyay magaalada Milan oo ay degan tahay Silvia sida ay baahisay Shabakadda Fanpage ee dalka Talyaaniga.

Ciidamada u tababaran la dagaalanka argagixisada ayaa dhalinyaradaas su’aalo ka weydiin doonaan kiiskan, waxaana lagu eedeynayaa iney maalgeliyeen afduubka Silvia.

Goobihii laga soo qabtay dhalinyarada ayaa laga helay caddeymo muujinaya lacagahii ay direen, sidoo kale waxaa sheegay iney gobollo badan u safreen si ay lacago ugu aruuriyaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Jabhada Xoreynta Ogadenia (ONLF) ee ka dagaalanta dhulka Soomaali galbeed ayaa sidoo kale waxaa la sheegay iney lacag ka badan 10,000 oo EURO u direen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -