Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii magaalada Baraawe iyo kuxigeenkiisa oo xilka laga qaaday (Wareegto)

Golaha deegaanka magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii magaaladaasi Liibaan Abuukar Cismaan iyo ku xigeenkiisa labaad ee arrimaha bulshada Sahro Abuukar Cali.

Wareegto kasoo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu ayiday xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyaha magaalada Baraawe iyo kuxigeenkiisa labaad.

Masuuliyiintan xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aan la sheegay in ay kala dhaxeysay golaha deegaanka magaalada Baraawe, waxaana laamaha ammaanka Baraawe la faray in ay dhaqan-geliyaan xil ka qaadista lagu sameeyay labadan masuul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in Itoobiya iyo Eritrea uu dalka ku qabsanayo !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Casuumad u fidiyay Madaxweyne C/Ladiif Jamaal Rashiid

Cabdi Cade

Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---