Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo baaq u diray Ururka Mideeye una gar dhigtay saaxiibadiis hore

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni o ayaa sheegay in xalka keliya ee deegaabbada Puntland uu yahay in la dhamaystiro nidaamka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka ee uu bilaabey.

Isaga oo tusaale u soo qaatey maamulka degmada Qardho ayuu yiri,” waxay ku dhiiradaan in ay mucaaradaan dowaldda oo waxa laga gaabiyey sheegaan, maxaa yeelay waxay haystaan xasaanadda dadka deegaanka ee soo doortey, waa xildhibaano awood leh”

”In la is doorto waxay kor u qaadeysaa fahamka dowladnimada, danteena ayaana ku jirta in aan xoojino nidaamka doorashooyinka ee aan u diyaar garowno doorashooyinka” ayuu yiri madaxweyne Deni..

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa baaq u direy urur siyaasadeedka Mideeye ee ka horyimid wax ka beddelka dastuurka in ay doorashada ka qaybqaataan.

Madaxweyne Deni ayaa ku doodey kadib wax ka beddelka dastuurka isaga oo aan soo qaadin “shalay haddey ururadu saddex ahaayeen maanta waa sagaal maxa farqi ah oo u dhexeeya ayuu is weydiiyey….” ” halkan waxaan baaq uga dirayaa Xisbiga Mideeye inaga oo sagaal ah ayaan galney doorashadii goloyaasha deegaanka, Mideeye waad naga guuleystateen ee ku soo noqda doorashooyinka oo haka biqina ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay xisbiyo mucaarad ah oo wadada saxda ah ku soo celiya dowladda, “… waagii la i doortey waxaa i wareeriyey kuwo igu leh anagaa kursiga ku geyney, abaal la isu sheegto ayaaba iga horyimid, oo ma waxaad kursiga ii geyseen in aan dadka u shaqeeye mise idinka idiin shaqeeyo….” waxaan rabaa in dadku wax doortaan si loogu shaqeeyo ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni waxa uu ku dhaartey in uu ka shaqeynaayo doorasho hufan oo aan ku shubasho ahayn, hadafkeygu maaha in aan soo noqdo ee waa in barnaamijkan hirgalo ayuu yiri, haddii la i doortona waan idiin shaqeyn haddii kalena xilka waa wareejin.

Waxaa la is weydiinayaa waxa dhaarta madaxweynaha ka run ah, iyada oo shrucuucdii doorashada lagu geli lahaa badankeedi uu beddalay, iyada oo doorashada lagu dhex jiro, ururada mucaaradku ku waxay ku eedeeyeen in uu tolanayo shaarkii guushiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Raisul Wasaare Khayre iyo danjire Ben Fender?

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii ka dhacay Barujeed iyo dowladda oo ka hadashay

Cabdi Cade

Muwaadiniinta reer Britain ee ku nool dalka Itoobiya oo digniino adag loo jeediyey

Caydiid Ali