Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka kooxaha Khawaarijta ah lagu ciribtirayo ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.

Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin laga soo saaray xaalad Halis ah oo kusoo wajahan magaalada Baledweyne (Akhriso)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo markii ugu horeysay si kulul uga hadashay Weerarkii xarunta dowlada hoose

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay dagaalo culus oo ka socda degaanada Oobaale & Ciid-ciidka

Caydiid Ali