Wararka ka imaanaya magaalada Omdurman oon sidaa uga fogeyn magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan, ayaa sheegaya in halkaasi dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in labada ciidan isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada Omdurman ku dhacaya madaafiic ay labada ciidan is dhaafsanayaan.
Dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada oo ku nool Bariga Umdurmaan ayaa sheegay ayaa dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada lagu dilay dad gaaraya 9-qof , sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaa ka badan.
Milatariga iyo ciidamada kasoo horjeeda ee gurmadka deg dega ayaan ka hadlin dagaalkan soo cusboonaaday, waxa uuna dagaalka yimid xilli muddooyinkii dambe xoogaa xasillooni laga dareemayay dalka Sudan .