Madaxweyne Xasan oo mar kale ka hadlay xadgudubka Itoobiya eedeyna u jeediyay Abiy

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar kale ka hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku qaadato dhul iyo biyo ay Soomaaliya leedahay, waxa uuna si gaar ah eedeyn ugu jeediyay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay xadgudub ay ku hayso madaxbanaanida, gobnimada,midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in wali ay rejo ka qabaan in horumar laga gaari doono qadiyada ku saabsan xadgudubka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed  isagoo ka faa’ideysanaya daruufta ay Soomaaliya ku jirto uu soo cusbooneysiiyey damac soo jireen ah oo Itoobiya muddo dheer ku taameysey in ay bad u hesho.

“Maanta, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo xukuumaddiisu waxay is tuseen Soomaaliya wey soo kabaneysaa ee inta aysan cagaheeda isku taagin, ha laga faa’ideysto oo taariikhdii fogeyd oo waligeed Itoobiya badda ku raadin jirtey maanta ayaan fursad haysannaaya aan uga faa’ideysanno”, ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Waxa uu intaa ku daray Madaxweynaha “Waxaan rabaa in ay dadka Soomaaliyeed iyo dadka Itoobiya ay ogaadan arrintaan wax ay salka ku hayso,dadka hoggaamiyaasha ah mararka qaar haddii ay tubtu ka wareerto dhibaatooyin badan ayaa ummadaha soo qaabila,sidaan horay u sheegnay Soomaaliya iyo Itoobiya waa laba dal oo daris ah, waddo aan ahayn in xiriir iyo cilaaqad wanaagsan ay yeeshaan fursad aan ahayn uma furnaa”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ugu rajo roontahay oo ay cagaheed in ay isku taagto rabto,isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxaa jira dad badan oo dunidda  jooga oo anagga dhexdeen Soomaalida ku jira, oo dagaalku u sahlan yahay kana baqin oo ku dhiiran laakiin nabadda ka cabsada oo aaminsan in awoodiisa ay wiiqmayso, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Xukummadiisa ayaa mar kale waxay istuseyeen in Soomaaliya ay soo kabaneyso oo ay soo socoto marka inta aaney soo gaarin meesha ay ku habooneyd halaga faa’iidaysto oo tariikhdii fogeyd oo ay waligeed bad ku raadin jirtay Itoobiya aan uga faa’iidaysano, sidaas ayaana keentay isku dayga maanta jiraa in u yimaado, waxay doonayaan siday aaminsan yihiin in taariikh qarniyo hore qaldantay ay soo saxaan  balse sida ay wax ku doonayaan waxba kuma sixi karaan”.

Dowladda Itoobiya ayaana in muddo ah ku taameysay in ay hesho bad ay adeegsadaan, waxa ayna horaantii sannadkan heshiis muran badan dhaliyay oo xadgudub ah la galeen maamulka Somaliland, hasa ahaatee heshiiskaas ayaa u muuqda mid fashilmi doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -