Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga Masuuliyiin ku eedeysan musuq

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii labaad bilowday dhageysiga dacwada loo heysto saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku eedeysan Musuq maasuq.

Afar eedeysane oo maxkamadda Maalintii labaad ay dhageysaneyso dacwadooda ayaa lagu kala magacaaba Cabdullaahi Max’uud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne oo lagu soo eedeyay  Saraakiisha intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda  socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Xeer ilaalinta ayaa bishan u soo gudbisay eedeysanayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxayna ka mid yihiin 18-eedeysane oo lagu soo eedeeyay falal la xiriira Musuqmaasuq.

Waxana horay loo dhageystay dacwada 9-kamid ah eedeysanayasha iyo 8-maqanayaal ah oo Maxkamadda ay Baafin saartay, kuwaasoo loo qabtay mudda saddon maalin ah gudahood ay maxkamadda ku horyimadaan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Related posts

Dugsi casri ah Oo Bishaaro Qiimo Badan U Sida Qurbajoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Dibaddiisa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gantaalo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu weeraray Israel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---