Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile ,gaar ahaan agagaarka xerada ciidanka milatariga degan yihiin ee lagu magacaabo Bangalo.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa haleelay gaari la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan maamulka degmada Dayniile , waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay la sheegay in sargaalka uusan gaariga la socon.

Inta la xaqiijiyay labo nin oo la socotay gaariga uu qaraxa haleelay ayaa ku dhaawacmay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowladda oo halkaasi baaritaano ka wada.

Qaraxyada miino ee lala eegto ciidanka dowladda iyo saraakiisha laamaha ammaanka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyo dhowr ah oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiilkh oo u gudbay Moqokori

Caydiid Ali

Weeraro Mindiyo loo adeegsaday oo dad badan lagu dilay oo ka dhacay Saskatchewa (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka dowlada oo adeeg aan looga baran u fidiyey shacab ku sugan Sh/hoose (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---