Allbanaadir.com
NEWS

khasaaro dhimasho oo ka dhashay dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda Kenya

Dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay dibad-baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen taageerayaasha mucaaradka Kenya, waxaana looga soo horjeeday sicir bararka iyo canshuur kordhinta ay sameesay dowladda madaxweyne Ruto.

Ina la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay dibad-baxyadii shalay ka dhacay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo katirsan Kenya, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga dhigay boqolaal katirsan dadkii shalay dhigayay dibad-baxyada rabshadaha watay, waxaana dadkaasi la filayaa in lasoo taago maxkamad laguna eedeeyo bur burin iyo dhac.

Ra’isul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ku baaqay dibad-baxyo soconaya saddex maalin oo xiriir ah oo soo bilowday shalay, waxaana maanta meelaha qaar lasoo sheegayaa in ay ka socdaan dibad-baxyada.

Goobaha ganacsiga iyo waxbarashada qeybo badan oo kamid ah daka Kenya ayaa maalintii labaad xiran, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha ka dhalanaya dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda Kenya in ay sii kordhaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Kenya oo goor dhow shaaciyey in la soo afjaray Weerarkii Nairobi

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo yeeshay kulan deg deg ah oo laga soo saaray Sagaal qodob (Sawirro)

Caydiid Ali

Lacag dhan $100 milyan oo wax looga qabanayo dhibaato ka jirta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo la fasaxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---