Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Maaliyada DF oo ka laabtay Masuuliyiin uu shaqada ka joojiyey & Villa Somalia oo..

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka laabtay shaqo joojin uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Shaqo joojinta labada masuul ayaa markii hore loo cuskaday qodobo ay ka mid yihiin amar diido iyo wada shaqeyn la’aan.

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul ee loo jeediyey labada masuul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin adag la siiyey, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadkooda shaqo

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir Online u sheegaya in Wasiirka uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha taasoo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay labada masuul, sidaas awgeedna uu uga laabtay.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA LOOGA LAABTAY SHAQO JOOJINTA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo amniga Teendhada Afisiyooni ku wareejiyey ciidamada ATMIS/AMISOM

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Magacaabay Guddi Doorasho oo KMG (Sawirro+ Magacyo)

Cabdi Cade

Kulamo xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia iyo Jen. Xuud oo la heshiiyey DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---