Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad saakay ka taagay Garawe iyo Ciidamo hubeesan oo goobo hor leh lagu arkay

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo badan oo iska soo horjeeda.

Ciidamo kasoo horjeeda madaxweyne Deni ayaa isku fidiyay qeybo badan oo magaalada kamid ah , waxa ayna ciidamada diidan yihiin in baarlamaanka Puntland uu furo dastuurka maamulkaasi , si loo kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadda.

Shacabka ku dhaqan magaalada Garawe ayaa bilaabay in ay isaga barakacayaan xaafado kamid ah magaaladaasi, waxa ayna shacabka ka cabsi qabaan in ciidamada iska soo horjeeda dushooda ku dagaalamaan.

Ciidamada mucaaradka ayaa xirtay waddooyin kuyaalla magaalada Garawe, waxa ayna ciidamada saakay xireen isku socodka dadka iyo gaadiidka qeybo kamid ah magaalada Garawe, waxa ayna ciidamada gaadiidka dagaalka soo dhigeen goobo muhiim ah.

Maamulka madaxweyne Deni ayaan wali ka hadlin xiisadan ka taagan magaalada Garawe iyo ciidamada hubeesan ee magaalada soo galay, waxaana socda dedaalo waxgaradka xal ugu raadinayaan xiisada ka taagan Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland iyo DFS oo ku murunsan cida maamuleysa waddo laami ah oo la dhisayo

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada cusub oo kulankoodii ugu horeeyey iskugu yimid (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo loo diiyaariyay Dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo Muqdisho laga sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---